Qadar oo shuruud adag hordhigtay Israa’iil haddii dib loo billaabayo wadahadalka Xamaas

0
98

Qadar oo shuruud adag hordhigtay Israa’iil haddii dib loo billaabayo wadahadalka Xamaas

Dowladda Carbeed ee Qadar ayaa Israa’iil hordhigtay shuruud ku adag oo haddii ay fuliso dib loo billaabi karo wadahadalkii ka socday Dooxa ee lagu raadinayay xabbad-joojinta Gaza iyo Maxaabiis is dhaafsiga Xamaas & Yuhuudda.

Xukuumadda Qadar ayaa sheegtay in ugu horrayn Israa’iil ay ka doonayso raalligelin buuxda oo ay ka siiso duqayntii dhowaan ay ka fulisay Magaalada Dooxa, haddii ay fuliso qodobkaas dib loo billaabi karo wadahadalkii ka socday dalkeeda.

Sida ay ku warrantay Axios Media, Qadar waxaa ka go’an in ay afka Israa’iil kala dhex baxdo qirasho iyo qoomamayn ay ka muujinayso duqayntii ay ku beegsatay madaxda katirsan Xamaas ee Dooxa Joogay balse ka badbaaday shirqoolkaas.