Ra’iisul wasaare Xamse “Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna Diiwaan galinta dadweynaha ee Doorashada”

0
8

Ra’iisul wasaare Xamse “Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna Diiwaan galinta dadweynaha ee Doorashada”

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dhawaan deegaannada Maamulka Jubbaland ay ka billaabi doonaan Diiwaan dadweynaha ee Doorasho qof iyo cod ah.

Khudbad uu Ra’iisul wasaare Xamse ka jeediyay Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in dhammaan dowlad goboleedyada dalka ay ka socoto diiwaan galinta dadweynaha Doorashada dowladaha hoose.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in Jubbaland oo dhiman dhawaan laga billaabi doono deegaannada Maamulkaasi, si shacabka deegaannadaasi u helaan xaqooda dastuuriga ah.