Dooni ay la socdeen Tahriibayaal oo ku degtay xeebaha Liibiya

0
33

Dooni ay la socdeen Tahriibayaal oo ku degtay xeebaha Liibiya

Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in kaliya 13 qof ay ka badbaadeen kadib markii doon siday 74 qof ku degay xeebta magaalada Tobruk ee bariga Liibiya.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in dad badan oo kale ay weli la la’a yahay, isla markaasna ay socdaan howlgallo lagu baadi goobayo.

Dadka saarna doonta ayaa inta badan dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan oo ay ka jiraan colaado iyo dagaal sokeeye, welina lama xaqiijin in ay ku jiraan Soomaali.

Dhawaan dooni kale oo siday Tahriibayaal uu dab ku qabsaday xeebaha Liibiya, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 50 ruux, sida ay sheegtay Hay’adda IOM.

Hay’adda ayaa sidoo kale xaqiijisay inay gargaar caafimaad siisay 24 qof oo ka badbaaday shilkaas.

UNHCR ayaa tilmaantay in musiibadan ay mar kale muujineyso khatarta ay wajahayaan dadka doonaya u tahriibaan dalalka Yurub ee maraya badweynta Militerinamka.