Madaxweyne Trump & Boqorka Ingiriiska oo maanta kulmaya
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku sugan Magaalada London ee caasimadda Ingiriiska ayaa maanta kulan la qaadanaya Boqorka Dalkaas Charles, waxa ay diiradda saarayaan xiriirka labada dal iyo mashaariic cusub oo labadaas waddan wadaagayaan.
Kulanka waxa uu ka dhacayaa Windsor Castle, waxaa la diyaariyay hab maamuus aad u sarreeya oo boqorka Ingiiriska uu ku qaabilayo Madaxweynaha Maraykanka Donald halkaas oo la sheegayo in uu ku guddoonsiinayo billaado kala duwan.
Muddada uu kulanka socdo waxa ay Dowladda Ingiriiska samayn doontaa dhoolatus ciidan si ay isugu muujiyaan in awooddooda weli ay tahay mid jirta maadaama Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu horay Ra’iisul Wasaaraha Britain u weydiiyay heerka awooddoodu gaarsiisan tahay.