Sawir Dayax-gacmeed looga qaaday Gaza oo muujinaya sida ay Israa’iil u burburisay Magaaladaas
Sawir lagu qaaday Dayax-gacmeed ayaa muujinaya burburka arxan-darrada ah ee Israa’iil ka gaysatay Magaalada Gaza dhulka Falastiin muddo 2 sano gudahood ah, waxa ay tani muujinaysaa awoodda hubka culus ay adeegsatay Yuhuudda.
Dhismihii isugu jiray guryaha ay degenaayeen Dadka, goobaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo xarumihii kale ee halkaas ku yaallay ayaa si isku mid ah waxaa u burburiyay ciidanka Israa’iil ee adeegsaday hub aad u xooggan.
Teleefishinka Aljazeera oo la hadlay khubarro kala duwan waxa ay u sheegeen in dhulka Gaza dib u dhiskiisa waqti iyo dhaqaale badan ku bixi doonaan marka la eego sawirkaan cusub ee lagu baahiyay baraha Bulshada ee dayax-gacmeedka lagu qaaday.