Codbixinta doorashada golaha deegaanka Suuriya oo shan saacadood lagu daray

0
798

Codbixinta doorashada golaha deegaanka Suuriya oo shan saacadood lagu daray

Dalka Suuriya waxaa muddo shan saacadood lagu kordhiyay codbixinta doorashada golaha deegaanka oo ah tii ugu horreysay muddo toddoba sano ah, tan iyo markii colaadda sokeeye ay ka billaabatay dalkaasi.

Warbnaahinta qaranka ayaa sababta saacadahaasi dheeriga ah loogu daray codbixinta ku sheegay dadka codkooda dhiibanaya oo aad u badan.

Goobaha codbixintu ayay ahayd in ay soo xirnaan xalay saq dhexe. 40,000 oo musharax ayaa u tartamaya golaha deeganka oo ka kooban ku dhawaad 20,000 oo kursi.

Intooda badan musharixiintani ayaa u janjeera dhanka xisbiga haya talada dalkaasi ee uu hoggaamiyo madaxweyne Bashar Al-Asad.

Dowladda madaxweyne Asad ayaa hadda maamusha inta badan dalkaasi ay colaadda la degtay ee Suuriya kaddib markii ay ka adkaatay kooxaha mucaaradka.

Gobolka ismaamulka Kurdiyiinta ayaa go’aansaday in uusan ka qeyb qaadan doorashada, waxaana mas’uuliyiinta dalkaasi ay sheegayaan in doorashadani ay astaan u tahay in xaaladda dalkaasi ay caadi ku soo noqoneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here