Itoobiya oo sheegtay in ay Somaliland kala hadashay Amniga Badda Cas

0
20

Itoobiya oo sheegtay in ay Somaliland kala hadashay Amniga Badda Cas

Madaxweynaha Somalilanad, Cabdiraxmaan Cirro ayaa la kulmay Diblumaasiyiinta Safaaradda Itoobiya ee dalka Jabbuuti, xilli dhawaan uu safar ku tagey dalkaasi.

Mr Cirro ayaa la kulmay Diblumaasiyiinta uu hoggaaminayo Danjire Ku-xigeenka Itoobiya u fadhiya Jabbuuti, Kebede Abera Ido, isaga oo kala hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga Badda Cas iyo marinada Ganacsiga.

Danjire Ku-xigeenka Itoobiya ee Safaaradda Jabbuuti ayaa sheegay in ay xoojinayaan xiriirka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan iskaashiga Amniga iyo Ganacsiga.