Maxaa ka soo baxay Wada hadallada saacadaha ay yeesheen Putin iyo Trump

0
44

Maxaa ka soo baxay Wada hadallada saacadaha ay yeesheen Putin iyo Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Ruushka iyo Ukraine ay ogolaadeen dib u billaabida Wada hadallada lagu xallinayo dagaalka socday afarta sano.

 

Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii in ka badan laba saacadood uu khadka Taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Putin ayaa sheegay in dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka ay u muuqdaan kuwo ku socda waddadii saxda ahayd, islamarkaana dowladda Ruushka ay diyaar u tahay in la dhammeeyo colaada.

 

Wadahadalladan ayaa la filayaa in ay si rasmi ah u billowdaan maalmaha soo socda, iyadoo beesha caalamka ay dhinacyada ku cadaadineyso in lagu joojiyo dagaalka oo sababay khasaaro naf iyo maalba leh.