Shirkii ugu horreeyay ee ammaanka Afrika oo ka furmay Ruwanda
Shirkii ugu horreeyay ee Caalami ah ee Ammaanka Qaaradda Afrika (ISCA) ayaa maalinimadii Isniinta si rasmi ah uga furmay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, iyadoo Madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame, uu shirkan ku tilmaamay mid soo dhaweeynaya caqabadaha ammaanka ee qaaradda.
Kagame oo ka hadlay furitaanka shirka, ayaa sheegay in mustaqbalka Afrika “aan lagu aamini karin dad kale” isla markaana ay muhim tahay in qaaraddu ay mas’uuliyad iska saarto nabadda iyo xasiloonideeda.
Madaxwayne Paul Kagame ayaa intaas ku daray in ammaanka Afrika muddo dheer loo arkayay “culays ay tahay in ay maareeyaan dad kale,” iyada oo aan la helin wax talo ah oo gobolka ku biiriyay ama faham dhab ah oo ku saabsan duruufaha gudaha Qaaradda.“
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku booriyey dowladaha Afrika in ay noqdaan kuwo lagu kalsoonaan karo oo karti leh marka ay timaaddo wax ka qabashada arrimaha ammaanka, isagoo uga digay in haddii masuuliyaddaas la dayaco “ay dad kale faragelinayaan, taasoo keenta in lagu waayo sumcad iyo gacan-ku-haynta arrimaha Qaaradda.”
Kagame wuxuu ku baaqay in la xoojiyo hay’adaha gobolka, oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, si ay hoggaan ugu noqdaan maaraynta mudnaanta wadajirka ah ee ammaanka qaaradda.