DEG DEG : Ku dhowaad toban ruux oo ku geeriyooday

0
53

Ku dhowaad toban ruux oo ku geeriyooday

Qof isku soo xiray walxaha qarxaya ayaa qarax lala beegsaday dhalinyarro cusub oo doonaysay in ay iska diiwaan galiyaan xiro Damaanyo, si ay uga mid noqdaan Ciidanka Dowladda.

 

Ku dhawaad 10 ruux oo isugu jira dhalinyaradii goobta ku sugnaa si ay isku diiwaan-galiyaan iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxa oo laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho, iyada oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

 

Dhalinyarradaan dhimashada iyo dhaawaca noqday ayaa doonayay in ay kamid noqdaan ciidanka xoogga dalka.

 

Ma jiro wax war ah oo Hay’addaha Amniga oo la xiriira qaraxa khasaaraha kala duwan dhaliyay ee ka dhacay bannaanka xirada Damaanyo.