OCHA oo ka digtay roobab kale oo lixaad leh oo ka da’a Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya
Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay ayaa lagu sheegay in dad ka badan 84,000 qof ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay roobabkii ka curtay Bishii April ee lasoo dhaafay Soomaaliya, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 17 qof.
Warbixin uu daabacay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa lagu sheegay in khubarada saadaasha hawada ka digeen suurtagalnimada roobab kale oo maalmaha soo socda ka da’a koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ugu wacan tahay isbadalka dhinaca cimilada.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in daadadka ka dhashay roobab xilliyeed oo lixaad leh ay ku dhinteen 17 qof ayna saameeyeen in ka badan 84,000 oo kusugan gobolada Soomaaliya meelo badan oo kamid ah tan iyo bartamihii bishii April.
Daadadkan ayaa imaanaya xilli hay’adaha samafalka ee aan dawliga ahayn oo inta badan ka mid ah kuwa ugu horreeya ee ka jawaaba masiibooyinka ay soo food saartay dhaqaale yari taasoo caqabad ku ah awooddooda wax ka qabashada baahiyaha degdegga ah, sida ay sheegtay OCHA.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2023 waxaa soo gaarey daadad waaweyn, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, in ka badan hal milyan oo qof ay ku barokaceen, taas oo ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo lala xiriiriyey El Niño.