Pakistan iyo Hindiya oo laga digay inuu dhexmaro dagaal hubka Nukliyeerka ah

0
15

Pakistan iyo Hindiya oo laga digay inuu dhexmaro dagaal hubka Nukliyeerka ah

Xilli ay sii kordhayo walaaca laga muujinayo xiisadda ka dhex qarxay Hindiya iyo Pakistan, ayaa waxaa laga digay in dagaalka labada dal sababi karo adeegsiga Hubka Nukliyeerka.

 

Ururka Caalamiga ah ee Ka-hortagga Hubka Nukliyeerka (ICAN), ayaa muujiyay walaac weyn oo ku aaddan xiisadda dagaal ee u dhaxeysa India iyo Pakistan.

 

Melissa Parke, agaasimaha ICAN, ayaa sheegtay in labada dal haddii ay isku adeegsadaan hubka Nukliyeerka ay sababi karto dhimashada malaayiin qof.

 

Waxay ugu baaqday labada dowladood in ay muujiyaan xakameyn iyo is-dejin, iyada oo sidoo kale ku boorrisay in dunida ay laba jibbaarto dadaallada lagu ciribtirayo isticmaalka hubka nukliyeerka.

 

Labada dal ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal muddo dheer socday, waxay horey ugu loollamayeen gobolka Kashmir.

 

Xiisaddan ayaa hadda sii korortay kaddib markii dad dalxiisayaal ah lagu dilay Kashmirta ay Hindiya maamusho, falkan oo Hindiya sheegtay in laga soo abaabulay gudaha Pakistan.