Maxkamadda ICJ oo diiday in Imaaraadka Carabta xasuuq ka geystay Suudaan
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa diiday dacwad ay Dowladda Suudaan ka gudbisay Imaaraadka Carabta, taasoo ku eedeysay inuu gacan ka geystay dambiyo la xiriira xasuuq ka dhacay gudaha Suudaan.
Dacwadda Suudaan ayaa soo bandhigeysay in Imaaraadka uu taageero buuxda siiyay ciidamada garabka ah ee RSF, kuwaas oo ku lug lahaa dagaalka sokeeye ee dalkaas ka socda, kuna ku dhinteen tobannaan kun oo qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.
Imaaraadka Carabta ayaa beeniyay eedeymahaasi, isagoo ku tilmaamay dacwadda mid siyaasadaysan.
Maxkamadda ICJ ayaa sheegtay in dacwadda aysan socon karin maadaama Imaaraadka uu ka baxay qodobka 9aad ee Heshiiska Ka-hortagga Xasuuqa (Genocide Convention), qodobkaas oo dhigaya in dowladuhu is dacweyn karaan marka ay jiraan eedeymo la xiriira xasuuq.