Kuuriyada Waqooyi oo markii ugu horreysay xaqiijisay in ay ciidamo u dirtay Ruushka

0
23

Kuuriyada Waqooyi oo markii ugu horreysay xaqiijisay in ay ciidamo u dirtay Ruushka

Kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in ay ciidamo u dirtay Ruushka si ay uga taageeraan dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

 

Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee dawladda Kuuriyada Waqooyi, ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaha dalkaas, Kim Jong Un, uu go’aansaday in ciidamo dagaal loo diro Ruushka, iyadoo la raacayo heshiiska difaaca wadajirka ah ee labada dal.

 

Sida ay sheegtay Wakaaladda, Kim Jong Un ayaa amray in ciidankaasi la diro si ay “u baabi’iyaan una tirtiraan kooxaha neo-Nazi ee Ukraine” isla markaana ay gacan ka geystaan xoreynta gobolka Kursk, iyaga oo taageeraya ciidamada Ruushka.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan sirdoonka Mareykanka, Kuuriyada Koonfureed, iyo Ukraine ayaa horay u sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay dhamaadkii sanadkii hore u dirtay Ruushka ilaa 10,000 ilaa 12,000 oo askari.