Mareykanka oo sheegay in Xeebaha Soomaaliya ku duqeeyeen ‘Doomo hub u siday AS’

0
19

Mareykanka oo sheegay in Xeebaha Soomaaliya ku duqeeyeen ‘Doomo hub u siday AS’

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan (AFRICOM), iyaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay gudaha biyaha Soomaaliya, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday doon weyn oo aan calan wadan iyo doon kale oo yar oo garab siinaysay.

Taliska AFRICOM ayaa tilmaamay in doomaha hubka saarna u socdeen AS, isla markaasna uu khatar ku ahaa dadaallada lagula dagaalamayo ee ka socda dalka.

“Waxaan beegsanay hub casri ah oo si sharci darro ah loo soo gelinayay gudaha Soomaaliya, kuwaasoo loogu talagalay Al-Shabaab. Tallaabadaasi waxay aheyd mid lagama maarmaan ah si loo yareeyo khatarta AS,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxday AFRICOM.