Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan degdeg ah la yeeshay Saraakiisha Ciidanka
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir deg-deg ah madaxtooyada kula yeeshay saraakiisha ugu sarreysa ciidamada.
Madaxweynaha ayaa saraakiisha Ciidanka ka dhageystay warbixinno la xiriira dagaalka AS, gaar ahaan howlgallada ka socda gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.
Ilo ku dhow kulan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Saraakiisha Ciidamada faray dardar galinta dagaalka AS iyo sidii la isugu xiri lahaa howlgallada ka socda gobollada dalka.
Kulanka wuxuu ku soo aadaya xilli dhawaan dagaal ay AS kula wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Dhinaca kale, Ciidamada dowladda ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada gudaha gobolka Shabeellada Dhexe.