Puntland oo soo bandhigtay meydadka xubno Ajanabi ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay Buuraha gobolka Bari

0
26

Puntland oo soo bandhigtay meydadka xubno Ajanabi ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay Buuraha gobolka Bari

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay xubno u badan Ajanabi ka tirsan Daacish ku dileen deegaanka Togga Miiraale ee gobolka Bari.

 

Xubnahan ka tirsan Daacish ayaa weerar ku soo qaaday Saldhigyo ay Ciidanka Daraawiishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Togga Miraale, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Bayaan ka soo baxay Taliska Ciidamada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Daacish ayna ku jiraan Ajanabi.

 

Sidoo kale, Sawirro ay baahiyeen Taliska Ciidamada Puntland ayaa laga arkayaa meydadka xubnahan la dilay oo yaalla meel u dhaw saldhigga Togga Miiraale ee gobolka Bari.

 

Dhinaca kale, Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in ay weli sii wadaan howlgallada ay ka sameynayaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari, halkaasi oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Daacish.