Somaliland oo Ku Eedaysay Dawalada Somaliya Dagaalkii Shalay Ka dhacay Gobolka Sanaag.

0
46

Somaliland oo Ku Eedaysay Dawalada Somaliya Dagaalkii Shalay Ka dhacay Gobolka Sanaag.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland waxay si kulul u cambaareyneysaa gardarrada dhowaan ka dhacday deegaanka Dhuurmadare ee gobolka Sanaag, oo ay fuliyeen maleeshiyaad taageero ka helaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasoo si aan sabab lahayn u weeraray beelaha xoolo-dhaqatada ah.

 

Sirdoonku wuxuu xaqiijinayaa in weerarkaasi lagu abaabulay amar ka yimid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaddib booqashadiisii siyaasadaysnayd ee uu ku tagay Laascaanood, taasoo ujeedadeedu ahayd in lagu kiciyo fawdo gudaha xuduudaha Somaliland.

 

Falalkan waxay si toos ah uga horimaanayaan nabadda gobolka waxayna meel kaga dhacayaan mabaa’diida madax-bannaanida iyo xiriirka derisnimo. Xilli Somaliland ay si joogto ah ugu taagan tahay xasiloonida iyo iskaashiga Geeska Afrika, dhagarta noocan ah waxay dhaawacaysaa dadaallada lagu raadinayo nabad guud.

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale ku celinaysaa go’aankeeda ah in ay difaacdo dadkeeda, ilaaliso midnimadeeda dhuleed, iyo in ay dhiirrigeliso wada noolaanshaha nabadeed ee gobolka.

 

Dowladda Somaliland waxay ugu baaqeysaa beesha caalamka iyo saaxiibada gobolka in ay si dhab ah uga fiirsadaan kororka xiisaddan isla markaana ay taageeraan tallaabooyin lagu dejinayo xaaladda laguna ilaalinayo nabadda gobolka.