Khasaare ka dhashay Duqeymo Mareykanka ka Fuliyay Dekedda Ras Isa ee Yemen
Ugu yaraan 38 qof ayaa ku dhintay halka 102 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen dekedda shidaalka ee Ras Isa ee Yemen.
Telefishinka Al Masirah, oo ku hadla afka Xuutiyiinta, ayaa xaqiijiyay duqeymaha, in kasta oo aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha soo gaarey dagaalyahanadooda.
Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in weerarrada lagu bartilmaameedsaday dhaqaalaha kooxda Xuutiyiinta si looga jaro ilo dhaqaale oo ay ka helaan taageeradooda dagaal.
“Ujeeddada weerarradan waxay ahayd in lagu wiiqo awoodda dhaqaale ee Xuutiyiinta oo sii xumeynaya nolosha dadkooda,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo dhigeen baraha bulshada.
Werarrada ayaa noqonaya kuwii ugu dhimashada badanaa ee Mareykanku ka geysto dalka Yemen, tan iyo markii Xuutiyiinta ay billaabeen weerarada ay ku hayaan Maraakiibta Israel.
Qiyaastii 70 boqolkiiba badeecadaha Yemen la geeyo iyo 80 boqolkiiba gargaarkeeda bani’aadamnimo waxay maraan dekedaha Ras Isa, Xudeydah iyo as-Salif.