Shiinaha oo dalalka Asia ka raadinaya Isbaheysi ka dhan ah Mareykanka

0
46

Shiinaha oo dalalka Asia ka raadinaya Isbaheysi ka dhan ah Mareykanka

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa gaaray Malaysia isagoo socdaal ku maraya waddamada Koonfur-bari Aasiya, si uu fariin u gaarsiiyo waddamada gobolka una muujiyo in Shiinuhu yahay saaxiib ganacsi oo lagu kalsoonaan karo marka loo eego Mareykanka, xilli uu socdo dagaal ganacsi oo xooggan oo u dhexeeya Beijing iyo Washington.

Xi Jinping ayaa gaaray caasimadda Malaysia, Kuala Lumpur, waana booqashadiisii ugu horreysay ee dalkaas tan iyo 2013-kii.

Hore wuxuu u tagey magaalada Hanoi ee caasimadda Vietnam, halkaas oo uu ku saxiixay heshiisyo ganacsi oo la xiriira iskaashi ku saabsan teknoolojiyadda casriga ah sida sirdoonka macmalka ah (AI), horumarinta tareenada, iyo mashaariic kale oo horumarineed.