Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka & MW Ukraine oo Sacuudiga kuwada hadlaya

0
17

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka & MW Ukraine oo Sacuudiga kuwada hadlaya

Magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya waxaa maanta wadahadal ku yeellanaya Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Marco Rubio iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyaga oo kawada hadlaya soo afjaridda Dagaalka Kyiv iyo Moscow.

 

Kulankaan waxaa ka dhex muuqan doonna Amiirka Sacuudiga ahna Dhaxalsuge Maxamed Bin Salmaan oo doonaya sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen Maraykanka & Ukraine si gaaro yoolka Donald Trump ee ah in dagaalka Ruushka lasoo afjaro.

 

Marka ay kulmaan Rubio & Zelensky kaddib Madaxweynaha Ukraine waxa uu dib ugu laaban doonnaa dalkiisa balse waxaa Sacuudiga ku haraya xubno uu kamid yahay agaasimaha Madaxtooyada Kyiv waa Andiry Yermak sida wararku sheegayaan.

 

Maraykanka ayaa dhowaan canaan iyo go’aan culus dul dhigay Ukraine kaddib Markii Donald Trump iyo ku xigeenkiisa ay dhinacyada ka galeen Volodymyr Zelenesky oo ugu dambeyn isaga baxay Aqalka Cad, waxaa xigay in laga jartay kaalmadii Militari ee Washington siineysay.

 

Xukuumadda Madaxweyne Donald Trump ayaa damacsan in ay Ukraine ka saxiixato heshiis ay ku nacfineyso macdanta dalkaas maadaama hub badan oo qiima sare ku kacaya horay uu dalkaas u siiyay Maamulkii Madaxweyne hore ee Joe Bidan.