Somaliland oo dil toogasho ah ku fulisay Rag horay u dilay Sarkaal & Askari

0
20

Somaliland oo dil toogasho ah ku fulisay Rag horay u dilay Sarkaal & Askari

Duleedka Xabsiga Mandheera waxaa xukun dil ah maanta loogu fuliyay labo xukunsane oo lagu eedeeyay in ay dileen Taliyihii Saldhigga Booliiska Maxamed Mooge iyo askari katirsanaa ciidanka nabadgalyada Waddooyinka Gabilay ee  Somaliland.

Maxkamadda Sare Somaliland ayaa 6dii bishaan Xukun Qisaas ah ku ridday labada gacan ku dhiigle ee isla maanta la toogtay kaddib markii racfaan ay kasoo qaateen xukunkii kaas ka horreeyay oo ahaa dil toogasho ah.

Ehelka labada dhinac oo muddo isku dayay in ay ka xal tamaan ayaa la sheegay in la isku fahmi waayay iyada oo ugu dambeyn Taliyihii iyo askarigii ay dileen labada nin ee saakay la toogtay ay dalbadeen dil toogasho ah oo ah qisaasta labada marxuum.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa shalay saxiixay warqadda xukunkaan toogashada maanta lagu fuliyay wuuna soosaxiixay iyada oo ugu dambeyn xukunkii toogashada ah lagu fuliyay labadii gacan ku dhiigle.

Xabsiga Mandheera waxaa ku xiran Maxaabiis dambiyo kala duwan ku eedeysan, waxaa kamid ah shaqsiyaad katirsan ciidamada Maamulka Somaliland oo Dilal geystay, kuwo amardiido sameeyay iyo kuwo dambiyo kale loo xiray.