Hanjabaaddii Donald Trump ee Gaza oo Yuhuudda ka dhex abuurtay khilaaf aad u xooggan
Khilaaf xooggan ayaa ka dhex dilaacay Yuhuudda dhexdeeda kaddib markii ay u kala jabtay labo dhinac iyada oo dooddoodu salkeedu tahay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa in Gaza laga salkiciyo Shacabka degen.
Warbaahinta ku hadasha Afka Cibriga ayaa soo bandhigtay aragtiyo kala duwan oo dhinacyadaan ay ka qabaan, qaar ayaa taageersan hadalkaas Trump iyaga oo ku baaqay in dagaalka dib loo billaabo halka dhinaca kale uu diidan yahay.
Cadaadis xooggan oo ka imaanaya ehelka Dadkooda la heysto ayaa sababay in Xukuumadda Netanyahu ay ka caga jiiddo hadalkii marka hore ay isku wada ogaayeen Madaxweynaha Dalka Maraykanka ee Donald Trump.
Siyaasiyiin dooneysa in ay isbaddel ku sameyso hab maamulka Ra’iisul Wasaaraha dacwadaha ku furan yihiin ee Israa’iil ayaa dhankooda dhex galay Dadka oo ku qalqaalinaya in ay dib u billaabaan dibadbaxyada ay ku dalbanayaan in uu iscasilo Benjamin Netanyahu.
Saraakiil katirsan ciidamada gaarka u tababaran ee Israa’iil oo horay isaga baxay furimaha dagaalka ayaa diiday in ay qaybtooda ka qaataan maadaama waxa ay Magaalada Gaza kusoo arkeen aanay ahayn mid dib loogu laaban karo ama lagu degdegi karo.