Kenya oo Dalka Haiti u dirtay 200 oo askari

0
55

Kenya oo Dalka Haiti u dirtay 200 oo askari

Dalka Kenya ayaa dhiggiisa Haiti u diray 200 oo sarkaal oo askari oo Booliis ah kuwaas oo xoojinaya Dowladda awooddeedu liidato ee aanay iska dhicin karin mucaawadka iyo kooxaha burcadda ah sida hadalka loo dhigay.

Qorshahaan oo dedaal ka riixayo Maraykanka waxa ay Xukuumadda William Ruto ku heleysaa lacag badan iyada oo dhowr dhinac ka caawin doonto Dowladda awooddeedu aad u yar tahay si loogu tababaro ciidamo dhiirran.

Kenya ayaa sheegtay in heleyso haddii loo baahdo ciidamo kale oo dheeraad ah si ay meesha uga saarto cabsi ka jirta Haiti, waxaa kale oo socda qorshe lagu ballaarinayo howlgalkaan si loo geeyo Dalkaas ciidamo dheeraad ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Dalka Haiti ayaa soo dhaweeyay dedaalkaan, waxa uu xusay in ay cabsi gelineyso kooxihii ku dhiirran jiray in ay dhibaatooyinka geystaan maadaama ay ku xisaabtamayaan awoodda Dowladdooda.