Itoobiya oo bilowday isku day lagu fashilinayo howlgalka AUSSOM

0
40

Itoobiya oo bilowday isku day lagu fashilinayo howlgalka AUSSOM

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo amni oo si dhow ula socday howlgalka cusub Midowga Africa ee Soomaaliya, Itoobiya ayaa isku dayaysa in ay ku qanciso wadamada ciidanka ugu deeqay howlgalka cusub ee AUSSOM in ay qaadacaan howlgalka si culays amni loo saaro dowladda Faderaalka, caalamkana looga gado in Soomaaliya ku socoto wadadii Afganistan. Inkastoo aysan guulaysan wali isku daygaan dowladda ayaa baaraan degtay xilli hore.

Dowladda Faderaalka ayaa Eritrea iyo Masar ku wargalisay in ay heegan galiyaan ciidamo hadii loo baahdo buuxin kara saldhigyada ay baneeyeen.

Somalia ayaa kulamadii u dambeeyay ee beesha caalamka iyo AU ka sheegtay in ay hayso ciidamo ku filan amniga. Dowladda ayaa ku dooday in mudadii ATMIS ay jirtay aysan qaadin howlgalo amni sidoo kale dowladu qaaday howlgal lagu xoreeyay dhul iyada oo aysan la socon ciidanka Midowga Africa. Sidaas darteed aysan ka qabin wax wal wal ah dhaq dhaqaaqa Al shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay in wadamada Soomaaliya ciidanka ugu deeqay loo ogolaado inay ka doodaan qaabku uu noqonayo howlgalka cusub ee Soomaaliya meeshana laga saaro wadamada kale sida Masar.