Xabaal wadareed ay ku jiraan kumanaan ruux oo laga helay dalka Suuriya
Xabaal wadareed ay ku jiraan kumannaan qof ayaa laga helay meel ka baxsan caasimadda Suuriya ee Dimishiq, xilli dowladda cusub ee ku meel gaarka ah ay ballan qaadayso in ay la xisaabtami doonto kuwa mas’uulka ka ah gabood-fallada oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore Bashaar Al-Asad.
Goobtan oo ku taal al-Qutayfah, oo 40km (25 miles) waqooyi ka xigta caasimadda, ayaa ka mid ahayd xabaal wadareedyo dhowr ah oo laga aqoonsaday dalka oo dhan ka dib markii uu burburay xukunka tobanaan sano qaatay ee qoyska Al-Asad.
Labo iyo toban xabaal wadareed ayaa sidoo kale laga helay koonfurta Suuriya. Hal goob, 22 mayd, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayaa lagu soo bandhigay calaamado muujinaya dil iyo jirdil.