Guddoonka Golaha Shacabka oo Ganaaxay Xildhibaan Xasan Cabdi oo u gacan qaaday Askari Booliis ah

0
68

Guddoonka Golaha Shacabka oo Ganaaxay Xildhibaan Xasan Cabdi oo u gacan qaaday Askari Booliis ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Ganaaxay Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo 27kii Nofeembar u gacan qaaday Askari katirsan Ilaalada Baarlamaanka.

Xaanshi kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in Xildhibaan Xasan laga ganaaxay labo bil oo xiriir ah in uu xaadiro Golaha Shacabka Baarlamaanka oo haatan fasax ku maqan kana soo laaban doonno Bisha Febaraayo 2025.

Inkasta oo Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo raalligelin siiyay Askariga uu dhaawaca u geystay balse Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa qaaday tallaabada ganaaxa lagu dulsaarayo Xildhibaankaan.

Waxaa dhanka kale Ganaax isugu jira jeris gunno & ka joojin fadhiyada Golaha Shacabka lagu riday Xildhibaanno lagu eedeeyay in ay is hor istaagid ku sameeyeen guntanka ama kooramka Golaha, waxaa kale oo kahor imaadeen Xeer hoosaadka uu golahaas ku dhaqmo.

Halkaan ka aqriso Xaanshida: