Ciidan katirsan Daraawiishta DG Jubbaland oo isu dhiibay kuwa Federaalka ee la geeyay Raaskaambooni

0
27

Ciidan katirsan Daraawiishta DG Jubbaland oo isu dhiibay kuwa Federaalka ee la geeyay Raaskaambooni

Ciidamo katirsan Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa isu dhiibay kuwa Federaalka ee dhowaan la geeyay Magaalada Xeebta leh ee Raaskaambooni sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo xilkas ah oo ku sugan Gobolka Jubada hoose.

Ciidankaas is dhiibay ayaa maanta lagu wadaa in la keenno Magaalada Muqdisho iyada oo diyaarad gaar ah laga soosaarayo Magaalada Raaskaambooni si loo dejiyo meelo ay ugu talagashay Dowladda Federaalka.

Tira is khilaafsan ayaa lagu sheegay ciidanka is dhiibay balse xisaabta ugu dhow waa in ka badan 50 askari oo katirsan ciidanka Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland weliba askartii loo diray in ay la dagaalamay ciidankaan degay Raaskaambooni.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in xalay doon ka baxday Magaalada Kismaayo ay la socdeen ciidamo ka tagay Magaaladaas kuwaas oo saakay gaaray Raaskaambooni, waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda lasoo bandhigo.

La soco wixii kasoo kordha