Marxuum Siilaanyo oo maanta lagu aasayo Magaalada Hargeysa
Qabuuraha Baqiic ee Magaalada Hargeysa Somaliland waxaa maanta lagu aasayaa Allaha u naxariistee Madaxweynihii 4aad ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Mas’uuliyiin katirsan Xisbiyada Somaliland, xubno xilal kala duwan soo qabtay, asaxaabtii garaneysay Marxuum Siilaanyo iyo ehelkiisa ayaa ka qaybgalaya aaska sida uu xaqiijiyay Guddiga loo xilsaaray aaskiisa.
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ayaa jiray 86 sano, waxa uu soo noqday Wasiirkii hore ee Qorsheynta Dowladdii Dhexe ee Militariga ahayd, waxaana ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin kala derajo duwan.
Mas’uuliyiinta Xisbiyadii ku loolamay Doorashadii dhowaan ka dhacday Deegaannada Somaliland ayaa madasha aaska ah isku arki doonna, waxa ay sugayaan natiijada uu ku dhawaaqayo Guddiga Doorashooyinka somaliland.