Ballan qaadka Trump ee Masaafurinta in ka badan 13 milyan oo magangalyo doon ah iyo caqabadaha taagan

0
13

Ballan qaadka Trump ee Masaafurinta in ka badan 13 milyan oo magangalyo doon ah iyo caqabadaha taagan

Golaha Socdaalka Mareykanka ayaa soo bandhigay tirada dadka magan-galyo doonka ah ee qaabka Sharci-darrada ah ku jooga gudaha dalkaasi.

Bayaan ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in caqabado la filan karo in ay ku yimaadaan qorshaha iyo ballan-qaadkii Trump ee ahaa in la fuliyo hawlgalkii masaafurinta ugu weyn ee taariikhda dalka.

“Si loo tarxiilo ilaa 11 milyan oo soo galooti ah oo aan sharciyeysneyn iyo sidoo kale 2.3 milyan oo kale oo si aan caadi ahayn ugu soo tallaabay Mareykanka intii u dhaxeysay 2023 iyo Abriil 2024, goluhu wuxuu qiyaasayaa in ay ku kici doonto dowladda Mareykanka ugu yaraan $315bn” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Kooxda.

“Waxaa lagama maarmaan ah in la helo awoodda lagu masaafuri karo in ka badan 13 milyan oo qof muddo gaaban gudaheed, taasi waa how adag” ayay yiraahdeen Golaha Socdaalka Mareykanka.

Hadalka ay soo saareen ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay lagu dhawaaqay in Donald Trump uu ku guulleystay doorashadii ka dhacday dalkaas.