Maxay kawada hadlayaan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh & RW Jarmalka?
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa gaaray Magaalada Berlin ee Caasimadda Dalka Jarmalka, waxa uu halkaas kulamo kula qaadan doonnaa mas’uuliyiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Olaf Scholz.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka waxa ay kawada hadli doonnaan xaaladda labada Dal, Xoojinta xiriirka, Mashaariicda farsamada gacanta, Isbaddelka Cimillada, Horumarinta Booliiska Soomaaliyeed & Howlgalka cusub ee AUSSOM.
Muddada uu Madaxweynaha Soomaaliya joogo Jamhuuriyadda Jarmalka waxa uu ka qaybgalayaa Shirweynaha u dhaxeeya Madaxda Qaaradda Afrika iyo Dalkaas si ay u xoojiyaan iskaashiga ka dhaxeeya labadaan dhinac sida hadalka loo dhigay.
Dalalka Yurub, Aasiya & Ameerika ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxa ay qabanayeen shirar ay la yeelanayeen Madaxda Waddamada Qaaradda Afrika si ay u xoojiyaan cilaaqaadka ka dhaxeeya isla markaana ay uga dhex helaan fursadaha maalgashiga ee isku xiraya labadaan dhinac.
La soco wixii kasoo kordha