Shuruudaha horyaalla Itoobiya haddii ay dooneyso in Ciidankeeda ay ku biiraan howlgalka AUSSOM

0
57

Shuruudaha horyaalla Itoobiya haddii ay dooneyso in Ciidankeeda ay ku biiraan howlgalka AUSSOM

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojisay shuruudaha ay ku aqbali karto in Ciidanka Itoobiya ay qayb ka noqdaan howlgalka cusub AUSSOM ee lagu baddelayo kan kumeel-gaarka ah ee ATMIS marka la gaaro billowga sanadka soo socda 2025.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa shuruudda ugu horreysa ee wadahadal ama codsi aqbalid suuragelin kara ka dhigay in marka hore Xukuumadda Abiy Ahmed ay burburisay is afgaradkii xadgudubku ku ahaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay u madaxbannaan tahay go’aanka la xiriira diidmada iyo aqbalaadda Dal weliba oo doonaya in uu qayb ka noqdo howlgalka AUSSOM ee ka duwanaan doonno kan ATMIS sida hadalka loo dhigay.

“Shardiga 1aad marka ay kasoo baxaan, codsi inoo soo gudbistaan in aan aqbaleyso ama ka diideyno anaga ayay inoo taallaa, Dalalka kale ee Ciidamada ku deeqay dhammaan waxa ay ixtiraam u hayaan madaxbannaanida, wadajirka & midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shuruudo kale hordhigeysa ku biirista Itoobiyaanka howlgalka cusub ee AUSSOM sida ay codsi soo dirsato kaas oo ku cad in Xukuumadda Addis Ababa ixtiraameyso madaxbannaanida & wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Itoobiya ayaa ka meer-meereysa in ay aqbasho shuruudda ugu horreysa ee ah in ay meesha ka saarto is afgaradkii ay shaacisay billowgii sanadkaan in ay la gashay Maamulka Somaliland (Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya), tallaabadaas waxa ay hoos u dhigtay xiriirkii ka dhaxeeyay Muqdisho & Addis Ababa.

Waxaa hakad waqti dheer galay dedaalladii wadahadalka Turkiga ee lagu saldhigayay xiisadda ka dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa 1dii Bishaan Nofeembar mar kale ku celiyay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay hesho marin badeed.