Harris & Trump oo maanta ku kala haraya kursiga Madaxweynaha 47aad ee Dalka Maraykanka

0
41

Harris & Trump oo maanta ku kala haraya kursiga Madaxweynaha 47aad ee Dalka Maraykanka

Waxaa maanta oo Talaado ah kuna beegan 5ta Nofeembar 2024 Dalka Maraykanka ka dhacaysa Doorashada ay ku kala harayaan Haweeneyda lagu magacaabo Kamala Harris oo metaleysa Xisbiga Dimuqraadiga iyo Donald Trump oo ka socda Jamhuuriga.

Harris ama Trump ayaa saacadihii u dambeeyay ee ololaha doorashada waxa ay tageen Gobollada inta badan codadkoodu lagu kala haro, mid weliba waxa uu dib ula laabtay rajad auu ka qabo in uu noqonayo Madaxweynaha 47aad ee Dalkaas.

Waqtiga Doorashada billaabaneyso:

Doorashada waxaa goobaha Codbixinta loo dareeri doonnaa 5ta Aroornimo ee waqtiga Dalkaas oo xiliga Geeska Afrika ku beegan 1da Duhurnimo ee maanta, waxaana ay soo xirmeysaa 10ka barqonimo oo noqoneysa 6da fiidnimo ee Caawa waqtiga Geeska Afrika.

Dhammaan Maraykanka dadka ku nool iyo kuwa ku xiran siyaasad, dhaqaale iyo dano kale waxa ay ku sii jeedaan indhaha natiijada codbixinta ee la sugayo maadaama loolanka Donald uu iska ilaalinayo guuldarro kale ku timaado, halka Kamala ay dooneyso in ay guushu hanato.

La soco wixii kasoo kordha