Cabdi Nageeye oo ku guuleystay Tartanka Orodka ee ka dhacay New York

0
66

Cabdi Nageeye oo ku guuleystay Tartanka Orodka ee ka dhacay New York

Orodyahanka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ee metalaya Dalka Netherlands ayaa ku guuleystay tartankii orodka ee Ragga ee lagu qabtay Dalka Maraykanka gaar ahaan Magaalada New York isaga oo dhaqaaqay Xawaare sare.

 

Nageeye oo ku dhashay Magaalada Muqdisho 2dii Maarso sanadkii 1989kii waxa uu kamid noqday Soomaalidii firxadka ku gashay Dalka Netherlands ee qaxooti ahaanta loo qaabilay, waxa uu lasoo baxay hibadiisa Orodka oo meel sare uu ka gaaray.

 

Cabdi Nageeye waxa uu sanadkii 2020kii orod ka dhacay Magaalada Tokyo ku guuleystay billadda Qallinka ah, si tartiib-tartiib ah ayuu horumar uga sameynayay tartamada Orodka oo ugu dambeyn guul muhiim u ah gacanta kusoo dhigay.

Waxa uu Nageeye kamid yahay dhallinyaro Soomaaliyeed oo Dalal ay dhalashada labaad ka qaateen ku metalay Orodka kuwaas oo guullo muhiim ah gaaray, Guusha uu gaaray ayay uga dhigan tahay in uu naftiisa ku dhiirrageliyo sii tartamidda orodo kale.

Marka la eego tartamada orodka, waxaa jira dhallinyaro badan oo Soomaali ah kuwaas oo metalaya Dalal kala duwan oo dhaca Qaaradaha Yurub iyo Ameerika, orodyahanka ugu saameynta badan waa Sir Mo Farah.