Ciidamada Amniga oo Muqdisho ka billaabay howlgallo ay ku arruurinayaan Indho-shareerka iyo Cimaamadaha

0
74

Ciidamada Amniga oo Muqdisho ka billaabay howlgallo ay ku arruurinayaan Indho-shareerka iyo Cimaamadaha

Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo lagu xaqiijnayo amniga ka wada degmooyinka Yaaqshiid, Daaruslaam iyo Heliwaa oo maalmihii la soo dhaafay ka dhaceen dilal loo geystay dad Shacab ah.

Ciidamada ayaa baaraya gaadiidka nuucyadiisa kal duwan iyo dadka rayidka ah ee saran.

Sidoo kale, Askarta ayaa dadka shacabka ah gaar ahaan gabdhaha ka arruurinaya Indho-shareerka, halka raga wata cimaamadaha Iyana laga qaadayo.

Howlgalladan ay ciidamada Amniga ka wadaan degmooyinka Waqooyiga Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli halkaasi ay ka dhaceen dilal loo geystay ganacsato Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Ciidamada maalintii shalay waxaa ay arruunayeen Mootooyinka Fekonta loo yaqaan, dad badana ay Isticmaalaan.

Weli Laamaha Amniga iyo maamulka gobolka Banaadir kama hadlin cida ay ku soo qabteen howlgallada ay ka wadaan degmooyinka Heliwaa, Yaaqshiid iyo Daaruslaam.