Akhriso: 16 Dal Ee Shidaal soo Saaray, Haddana Faqrigu la Degay

0
21

Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida qabsaday hadal heyn ka dhalatay shidaalka Somalia laga baarayo lagana soo saarayo ka dib markii uu dalka soo gaaray markabka sahanka shidaalka ee dowlada Turkiga.

Hadal heynta dadka ayaa u badneyd mid la xiriirta in haatan wixii ka dambeeya laga baxayo gaajadii iyo busaaradii dadka heystay lana galay barwaaqo maadaama shidaal la helay.

Hase ahaatee waxaa jira dalal shidaal haysta, haddana ka faqri badan Soomaaliya waxaana la isku raacsan yahay in Saboolnimada ay sabab u tahay arrimo ay ka mid yihiin maamulka liita, colaadaha joogtada ah, musuqmaasuqa baahsan, kaabayaasha dhaqaalaha oo burbursan, maalgashi shisheeye oo yar, iyo ku-tiirsanaanta kheyraadka dabiiciga ah oo aan si hufan loo maareyn.

Dalalka soo saara saliid isla markaana la tacaalaya saboolnimadu. waxaa ka mid ah

π€πŸπ«π’π€πš

Dalka Afrika, dhowr waddan ayaa caan ku ah soo saarista saliid iyagoo sidoo kalena la tacaalaya dhibaatooyin dhaqaale, iyo saboolnimo. Waxaaa ka mid ah.

Angola
Nigeria
Kongo (Brazzaville)
Gabon
Sudan
Koonfur Sudan
Dhulkiisa Quwada
Chad

π€πšπ¬π’π²πš

Aasiya, dhowr waddan oo soo saara saliid kuna jira saboolnimo waxaa ka mid ah:

Ciraaq
Iraan
Yemen
Kazakstan
Brunei (inkastoo ay leedahay GDP per capita sare, haddana waxaa baahdan saboolnimada.

π‹πšπ­π’π§ π€π¦πžπ«π’πœπš

Latin America, dalalka soo saara saliid ee la tacaalaya saboolnimo waxaa ka mid ah:

Venezuela
Ecuador
Bolivia

Waxaa la rumeysan yahay in Somalia aysan faqriga iyo gaajada ka baxeynin shidaalka la soo saarayo ka dib hadii aan la helin dowlad si hufan oo xukmad u maamusho dhaqaalaha balaayiinta ah ee laga helo sida hadaba ka jirta dalal badan.

Wadamada sida wanaagsan uga faa’iideystay shidaalka dadkoodana uga faa”iideyey waxaa ka mid ah dalalka carabta qaarkood, sida Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, Kuwait Bahrain iyo dalal kale oo badan.