Midowga Yurub oo sheegay inaanan la aqbali karin, waxa Israel ka waddo waqooyiga Gaza

0
28

Midowga Yurub oo sheegay inaanan la aqbali karin, waxa Israel ka waddo waqooyiga Gaza

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay inaanan wax cudurdaar ah loo heli karin beegsiga Ciidamada Israel ee hawlgalka ka wada waqooyiga Marinka Gaza ay ku hayaan dadka rayidka ah.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in wararka ka imanaya waqooyiga Marinka Gaza ay yihiin kuwo argagax leh.

Menu

Search for


Midowga Yurub oo sheegay inaanan la aqbali karin, waxa Israel ka waddo waqooyiga Gaza
News DeskOctober 23, 2024 2 minutes read
Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay inaanan wax cudurdaar ah loo heli karin beegsiga Ciidamada Israel ee hawlgalka ka wada waqooyiga Marinka Gaza ay ku hayaan dadka rayidka ah.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in wararka ka imanaya waqooyiga Marinka Gaza ay yihiin kuwo argagax leh.


“Ka dib maalmo uu socday dhaqdhaqaaq militari, wararka ka imanaya waqooyiga Gaza ayaa ah kuwo argagax leh.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Josep Borrell ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay inay gaajeysiinayaan dadka rayidka ah, isla-markaana ay si khasab ah uga barakacinayaan guryahooda, iyagoo aan haddana siineyn waddooyin nabdoon oo halkaasi ay uga soo bixi karaan.

“Dhibaatada bani’aadantinimo ee ka dhalatay gaajada iyo barakacinta khasabka ah, ma ahan mid cudurdaar loo heli karo.” Ayuu yiri Borrell oo dhanka kale cambaareeyay duqaymaha ay Militariga Israel ku burburinayaan Xarumaha Hay’adda UNRWA ee waqooyiga Gaza.

“Waxaan cambaaraynayaa duqaymaha culus iyo burburinta Xarumaha Hay’adda UNRWA.” Ayuu yiri Borrell oo intaasi ku daray “Waxaan taageersanahay codsiga xabad joojinta degdegga ah, si loo ogolaado gargaarka bani’aadantinimo iyo in dadka barakacayaasha ay helaan marin ammaan ah.”

Borrell ayaa ugu dambayn ku baaqay in kormeereyaasha caalamiga ah iyo Warbaahinta loo ogolaado inay booqdaan halkaasi.

Dhanka kale Afhayeenka Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin, Nebal Farsakh ayaa sheegtay in xaalad aad looga naxo ay ka jirto waqooyiga Marinka Gaza.

“Isbitaalada ku yaala waqooyiga Gaza ma heli karaan sahayda caafimaadka ama xitaa shidaalka korontada, xaaladduna waa mid aad u xun, sababtoo ah dadku si xor ah uma bixi karaan amaba ma dhaqaaqi karaan. Qaar badan ayaa ku xaniban, qoysas badan ayayna cuntada ka go’day, mana haystaan biyo iyo wax kastoo daruuri ah.” Ayay tiri Nebal Farsakh.

Nebal Farsakh ayaa sheegtay in shaqaalaha ambalaasyada aysan tagi karin goobaha ay duqaynayaan diyaaradaha dagaalka iyo taangiyada Militariga Israel, iyadoona ciidamadaasi ku eedeysay inay xireen waddooyinka, shaqaalaha caafimaadkana ay halis ugu jiraan in la bartilmaameedsado.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegay inaysan jirin cid isugu kala gudbi karta qaybaha waqooyi ee Marinka Gaza, isla-markaana Ciidamada Israel ay xitaa toogasho ku dilayaan hooyooyinka iyo dhallaanka isku dayaya in ay ka baxsadaan dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee aan la xamili karin ee halkaasi ka jirta.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Israel ugu baaqay in ay joojiso xaaladda dadka rayidka ah ee ay uga sii dareyso.

Xoghaye Guterres ayaa Tel Aviv ku booriyay in si degdeg oo bilaa shuruud ah ay waddooyinka ugu furto gawaarida gargaarka iyo kooxaha badbaadada, si loo badbaadiyo nafo badan.

Israel ayaase hoos u dhigeysa inay ka jawaabto baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in wax laga qabto xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah iyo in gargaar mug leh ay hay’aduhu gaarsiiyaan waqooyiga Marinka Gaza.