Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka oo Israa’iil kala hadlaya xabbad-joojin ka dhaqangasha Bariga Dhexe

0
30

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka oo Israa’iil kala hadlaya xabbad-joojin ka dhaqangasha Bariga Dhexe

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Antony Blinken oo safar aanay horay loosii shaacin ku tegay Dhulka Israa’iil ay xoogga ku heysato ayaa billaabay kulamo uu la qaadanayo madaxda Yuhuudda si uu ugala hadlo xabbad-joojin ka dhaqangasha Bariga Dhexe.

Antony Blinken oo socdaalkiisii 11aad ah tan iyo markii xaaladda Bariga Dhexe adkaatay laga soo billaabo 7dii Oktoobar sanadkii hore 2023 ayaa kulamada uu wado ku sheegay in uu ku raadinayo dhabbaha xalka ah.

Maraykanka oo hubka aan xadidnayn siinaya Israa’iil ayaa dunida ku mashquulinaya in uu raadinayo wadada nabadda sidaas awgeed uu Dowlado Carbeed oo dhankiisa u janjeera kala hadlayo xal u helista xiisadda taaggan.

Washongton ayaa cambaareyn iyo culeys kala kulantay xasuuqa Israa’iil ay ku geysaneyso hubka ay siisay, waxaana fadeexo ku noqotay in Tel Aviv ay dhegaha ka fureysatay xabbad-joojin la hirgeliyo maadaama Maraykanka uu is hor istaagay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

La soco wixii kasoo kordha