Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle oo ku biiray Xisbiga Mucaaradka ee Waddani

0
27

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle oo ku biiray Xisbiga Mucaaradka ee Waddani

Wasiirkii hore Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ku dhawaaqay in uu si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Mucaaradka Waddani ee Maamulka Somaliland ee Isbaddel doonka ah.

Cabdiraxmaan Bayle oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Awdal ayaa sheegay in Sababta uu ugu biiray Xisbiga Waddani ay tahay in Bulshada kasoo jeeda Gobolkaas uu ku metalo dhanka Siyaasadda oo sida uu hadalka u dhigay.

Musharrax madaxweyne Xisbiga Mucaaradka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, xubnaha kala heerka ah ee Xisbigaas iyo mas’uuliyiin kale ayaa soo dhaweyn u sameeyay Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo 9dhankooda ku biiray.

Bayle ayaa dhowaan dib ugu laabtay Magaalada Hargeysa isaga oo aanay wax xil ah ka hayn Dowladda Federaalka, waxa uu billaabay olole xooggan oo kula jaanqaadayo loolanka Doorashada Maamulka Somaliland waxaana uu ku biiray Xisbiga Waddani.

La soco wixii kasoo kordha