Netanyahu oo si dirqi ah uga badbaaday isku day Dil

0
24

Netanyahu oo si dirqi ah uga badbaaday isku day Dil

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa si dirqi ah uga badbaaday isku day dil oo lala damacsanaa kaddib markii gurigiisa lagu weeraray diyaaradaha nooca duulliye la’aanta ah ee loo yaqaan Drones-ka.

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerarkaas inkasta oo Warbaahinta madaxbannaan laga qariyay in ay xogta oo dhammeystiran ogaato balse waxaa loo sheegay in weerarkaas uu dhacay isaga oo bannaanka ku maqan Netanyahu.

Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda ayaa maalin kahor muuqaallo si qarsoodi ah looga duubay laguna faafiyay baraha Bulshada waxa uu ka dhex muuqday isaga oo gurigiida ku dhex xiran Jaakadda difaacda qaraxyada isla markaana si dhuumaaleysi ah u socda.

Xubno katirsan sirdoonka Israa’iil ayaa si degdeg ah ula wareegay agabka loogu talagalay in uu difaaco hoyga Ra’iisul Wasaaraha ee digniinta degdega ah bixiya haddii uu dareemo waxyaabo halis ku ah maadaama aanay jirin digniin uu ka bixiyay weerarkaas.

La soco wixii kasoo kordha