“Waa inay Israa’iil Burburisaa Iran Oo ay Garaacdaa Xarumaha Nukliyeerka.” Donald Trump

0
43

“Waa inay Israa’iil Burburisaa Iran Oo ay Garaacdaa Xarumaha Nukliyeerka.” Donald Trump

Donald Trump, oo wax laga waydiiyay weerarka ay Iran ku qaaday Israa’iil, ayaa sheegay inay la tahay in Israa’iil uga jawaabto Iran, wuxuu sheegay; “ Waa inay Israa’iil burburisaa Iran oo ay garaacdaa xarumaha nukliyeerka.”

Waxaa xusid mudan inuu Trump raadinayay hab uu ku weerarro nukliyeerka Iran, muddadii uu aqalka cad joogay, isagoo ka baxay wada-xaajoodyadii barnaamijka nukliyeerka Iran. Hadda ololeeyaasha Israa’iil ayaa u arkaya wax u wanaagsan inuu doorashada November ku soo baxo Trump, sababtoo ah waxay ka heli karaan taageerro dhammeystiran. Dhawaan ayay ahayd markii uu sheegay haddii uu xafiiska tago inuu Daanta Galbeedka ee Falastiiniyiinta u aqoonsanayo dhul Israa’iil ah , isagoo markaa ku andacoonaya inuu dhulka ku yaryahay Israa’iil.