Duufaan ku dhufatay Maraykanka oo sababtay geerida ugu yaraan 89 ruux

0
41

Duufaan ku dhufatay Maraykanka oo sababtay geerida ugu yaraan 89 ruux

Duufaan xooggan oo ku dhufatay Gobollada dhaca Koofur-bari ee Dalka Maraykanka ayaa galaafatay nolosha ugu yaraan 89 ruux halka qaar kale ay dhaawacmeen sida ay sheegeen saraakiil katirsan Kooxaha Gurmadka degdega ah.

Gobollada sida rasmiga ah ay u saameysay Duufaanta ayaa kala ah: South Carolina, Florida, Georgia, North Carolina & Virginia, Duufaantaan oo loogu magac daray Helene ayaa burbur xooggan gaarsiisay waddooyin badan.

Warbaahinta Maraykanka oo soo xigatay Saraakiil katirsan kooxaha Gurmadka ayaa sheegtay in Duufaantaas ay dhalisay khasaara xooggan oo dhanka Hantida ah waxaana lagu qiyaasay in ay u dhow dahay 100 Bilyan oo Doollar.