Ciidanka Israa’iil oo kordhiyay weerarrada ay ka wadaan Koofurta Lubnaan

0
34
Smoke billows from the site of an Israeli air strike in the Lebanese village of Khiam, near the Lebanon-Israel border, on September 23, 2024. The Israeli military on September 23 told people in Lebanon to move away from Hezbollah targets and vowed to carry out more "extensive and precise" strikes against the Iran-backed group. (Photo by Rabih DAHER / AFP) (Photo by RABIH DAHER/AFP via Getty Images)

Ciidanka Israa’iil oo kordhiyay weerarrada ay ka wadaan Koofurta Lubnaan

Militariga Israa’iil ayaa kordhiyay weerarrada ay ka geysanayaan Koofurta Dalka Lubnaan kaddib markii Ciidamadu ay adeegsadeen Diyaaradaha nooca aan duulliyaha wadin ee loo garan ogyahay Drones kuwaas oo gaaray goobo kala duwan.

Ugu yaraan 105 ruux ayaa ku geeriyootay duqeymaha socda in ka badan 24 saac waxaana suuragal ah in dhimashadu intaas ka badato maadaama goobo badan oo Dad rayid ah ay degen yihiin duqeynta lagu beegsanayo.

Sarkaal sare oo katirsan waaxda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegay in Isbitaallada la geeyay Dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray kuwaas oo lagu daweynayo halkaas, waxa ay u badan yihiin Haween iyo Carruur sida ka muuqata muuqaallada Warbaahinta adeegsatay.