Qoys ku Eedeysan Maalgelinta Al Shabaab oo Xukunno Adag lagu Riday

0
30

Qoys ku Eedeysan Maalgelinta Al Shabaab oo Xukunno Adag lagu Riday

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukunno xabsi ah maanta ku riday qoys ku eedeysnaa in kooxda Al Shabaab lacago u aruurinayeen, kuwaa oo lagu helay in akoono ay lahaayeen lacago malaayiin dollar ah Al Shabaab lacago dhax marsiisteen.

Qoyska loo heestay maalgelinta kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab ayaa ka koobnaa aabbe labadiisa xaas iyo gabar uu dhalay, kuwaa oo lacagaha Al Shabaab ay dhax mari jireen akoono ay ka furteen bangiyo kuyaalla magaalada Muqdisho.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaana ku xukuntay Xasan Cusmaan Aadan 13 sanno oo xarig ah iyo in uu bixiyo lacag ganaax ah oo gaareysa 20 kun oo dollar. Ninkan ayaana ahaa nin dalaal guryaha kala gada oo kunoolaa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale maxkamadda gobolka Banaadir ayaa min labo sano oo xabsi ah ku riday Faadumo Xasan Cusmaan oo ah gabar uu dhalay ninka xukunka lagu riday iyo xaasaskiisa oo kala ah Aamina Abdullahi Abanuur iyo Xasna Aweys Khaasim.