Dhinacyada ku dagaallamaya Sudan oo ogolaaday xal nabadeed

0
31

Dhinacyada ku dagaallamaya Sudan oo ogolaaday xal nabadeed

Ciidamada Suudaan iyo xoogaga RSF ayaa sheegay Arbacadi sheegay in ay diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaaro dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda muddada 17-ka bilood ah.

Hadalka kasoo baxay garabyada ku dagaallamaya Sudan ayaa u muuqdo mid ay uga jawaabayaan, baaq uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Talaadadi u diray millatariga Sudan iyo kooxda RSF, oo uu ku boorriyay in ay dib u wada hadlaan.

Madaxa ciidanka qalabka sida ee Sudan, Abdel Fattah al-Burhan ayaa Arbacadi sheegay in dowladda Sudan ay u farantahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee hadafkoodu yahay in lagu dhammeeyo dagaalka. Waxaa isna saaka oo Khamiis ah bayaan kaasi la mid ah soo saaray hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo.

Hase yeeshee, labadan nin ayaa midbo midka kale ku eedeeyay guuldarrada soo afjaidda dagaalka lagu hoobtay ee Sudan, kaas oo tan iyo bishi April ee sannadki 2023-ki ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ugu baaqay dhinacyada isku haya Suudaan in ay dib u wadahadlaan si loo soo afjaro dagaalka sokeeye.

Mareykanka ayaa horay ugu eedeeyay labada dhinac in ay galeen dambiyo dagaal, waxaana uu cunaqabateyn saaray 16 qof iyo hay’ado ku lug leh dagaalka. Mareykanka wuxuu sheegay in uu indhaha ku hayo dagaalka isla markaana ay suuragal tahay in uu soo rogo cuna-qabateyn dheeraad ah.