Lix Dhalinyaro ah oo lagu dhex dilay Masaajid ku yaal magaalada Wardheer ee Dowlad Degaanka Soomalida

0
23

Lix Dhalinyaro ah oo lagu dhex dilay Masaajid ku yaal magaalada Wardheer ee Dowlad Degaanka Soomalida

Wararka ka imaanaya Magaalada Wardheer ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahayd lagu dhex dilay masaajid ku yaal magaalada Wardheer lix dhalinyaro ah oo Xer ka ahayd Masaajidkaas

Sida Wararku nagu soo gaadhayaan dhalinyartan ayaa lagu dhex dilay Masaajid ay wax ka baranayeen, iyadoo dilkaasna ay gaysteen Rag hubaysan oo haybtooda aan la aqoonsan, Rasaas ayaana loo adeegsaday dilka dhalinyartan.

Dhalinyarta lagu dhex dilay masaajidka ayaa shan kamid ah ay ahaayeen hal Qoys, halka wiilka lixaadna uu ahaa Qoys kale sida ay sheegeen dad xogagaal ah oo ku sugan gudaha magaalada Wardheer.

Inkastoo aan wali war rasmi ah laga hayn sababta keentay in dhalinyartan loo laayo, haddana wararka laga helayo magaalada Wardheer ayaa sheegay in dhalinyartan lagu dilay gudaha masaajid ku yaal magaalada Wardheer loo dilay Aano Qabiil oo waayadanba ka taagnayd magaalada Wardheer.

Magacyada 5 kamid ah dhalinyartii xalay lagu dhex dilay Masaajidka gudihiisa ayaa lagu sheegay sidan:-

1- Bishaar Bacaluul, 2- Cumar Aw Axmed, 3- Mahad Maxamuud Cabdullaahi Waanis, 4- Mahdi Sheekh Aadan wali, 5- Maxamed dheere.

Magaalada Wardheer iyo guud ahaan Gobolka Doollo oo kamid ah Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa muddooyinkii u dambeysay waxaa ka jirtay xaalad adag oo la xidhiidha Colaad ka dhex jirta beelo walaalo ah oo wada dega gobolka Doollo.

Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa imbadan isku dayday inay xal rasmi ah ka gaadho colaaddan oo ay hakiso dhiigga daadanaya, balse ilaa iyo haatan kumaysan guulaysan walina dhiiggii wuu daadanayaa iyadoo ay ugu dambaysay dhacdadan lagu dilay wiilasha 6da ah.

Magaalada Wardheer ayaa saaka xaaladeedu kacsan tahay, hay’adaha ammaanka ee magaalada ayaa soo buux dhaafiyay goobta uu dilku ka dhacay, walina ma jirto war kasoo baxay dhinaca maamulka magaalada Wardheer oo ku saabsan dilka dhalinyartan.