Maanta oo 23 sano laga joogo weerarradii lagu burburiyay daarihii mataanaha ahaa ee New York & Washington

0
50
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Maanta oo 23 sano laga joogo weerarradii lagu burburiyay daarihii mataanaha ahaa ee New York & Washington

23 sano ayaa maanta laga joogaa markii weerar aan xogtiisa lasii ogeyn mar qura lagu beegsaday daarihii Ganacsiga ee mataalaha ahaa New York iyo Washington loogu magac daray kana dhex muuqday Dalka Maraykanka.

Weerarkaas waxa uu laf-dhabarta ka jebiyay Maraykanka oo xiligaas ku faanayay in uu yahay Dalka keliya ee awooda in uu sii helo xogaha sirdoonka kana digi karo halis weliba oo kusoo wajahan balse waxaa waxba kama jiraan ka dhigay Raggii weerarkaas fuliyay.

Inta uu Maraykanka diiwaanka taariikhda geliyay waxaa ku dhintay 2,996 ruux oo ay ku jiraan 19 ruux oo la socday diyaaraddii la afduubtay dabeedna lagu fuliyay weerarka laguna dhuftay labada dabaq ee dhirirka badnaa ee New York & Washington.

Raga weerarkaas fuliyay oo Maraykanka ku bartay kaxaynta Diyaaradaha ayaa beegsaday daarahaas indhaha caalamka hayay, qalbi jabkii Xukuumadda Washington kasoo gaaray waxa uu ku noqday boog ilaa haatan aanay kasoo bogsan.

Jawaabta Maraykanka ayaa noqotay in uu weerar xooggan ku qaado Dalka Afgaanistaan oo xiligaas saldhig u ahayd Al-Qaacida oo Mas’uuliyadda weerarkaan sheegatay, muddo 20 sano ah ayay Askarta Ameerikaanka ah ka dagaalamayeen dalkaas oo ugu dambeyn isaga baxeen.

Weerarkii labaad ee xigay waxa uu Maraykanka ku bartilmaameedsaday Dowladdii Ciraaq, Xulufada uu hor kacayay ayaa sanadkii 2003dii duqeymo iyo dagaal toos ah kala hortagtay Dowladdii Awoodda badnayd ee Sadaam Xuseen hoggaaminayay.

Weerar mooyee muxuu kale uu qaaday ama uu sameeyay Maraykanka?

Mareykanka ayaa xayiray Bangiyo caalami ah, Hay’ado kala duwan, isu socodka shakhsiyaadka qaar oo uu ku diray Liiska waxa uu ugu yeeray “Argagixisada” si uu waji kale ugu yeello dhaawaca xooggan ee soo gaaray.

Waxa uu albaabada u furay Xabsiga caanka ah ee Dalka Cuba ku yaalla laguna magacaabo Guantanamo Bay oo lagu xiray Dad xitaa qaarkood Soomaali ah, halkaas ayay kula kulmeen ciqaab adag oo gaartay heer ay ka falceliyaan Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha.

Haddaba Maraykanka Cashir maka bartay weerarradaas?

Madaxweynaha haatan jooga Dalka Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in weerarkaas ay cashir ku filan ka qaadanayaan, waxa uu tilmaamay in keliya looga gudbi karo midnimo iyo karti dheeraad ah ay muujiyaan muwaadiniinta Dalkiisa.

“Ani ahaan, waa in aan cashir ka qaadanaa dhacdadii 11ka September, in aan dhexda u xiranaa sidii loo wiiqi lahaa waxkasta oo dhibaato nagu ah, muhiimaddu waa in aan midnimo xooggan sameynaa, Midnimadu micnaheedu ma aha in aan isku aragni nahay, isku wax rumeysanahay balse waa in aan ka sal-gaarnaa ilaalinta qarankeenna” ayuu yiri Joe Biden.

Maraykanka uma muuqato xadgudubka uu geystay wixii ka dambeeyay weerarkii dhacay 11kii September sanadkii 2001 sida Dowlado uu burburiyay, Shakhsiyaad uu ceerteeyay, Dad uu xirtay oo qaarkood ilaa haatan u xiran iyo Falal kale inkasta oo aanay weli kasoo kaban dhibka qudhiisa gaaray.