Duufaan ku dhufatay Vietnam oo sababtay geerida ugu yaraan 60 ruux

0
23

Duufaan ku dhufatay Vietnam oo sababtay geerida ugu yaraan 60 ruux

Duufaan xooggan oo ku dhufatay Dalka Vietnam ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan 60 ruux halka la la’ yahay 40 kale, waxaana burbur uu soo gaaray goobihii ay gabbaadsanayeen Dadkaas sida ay xaqiijiyeen saraakiisha gurmadka degdega ah qaabilsan.

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa ku howlan raadinta Dadkaas lagu waayay dhul go’a ka dhacay Dalka Vietnam, dadka dhaawaca soo gaaray ee loo qaaday goobaha Caafimaadka waxa ay gaarayaan 750 qof oo xaalado kala duwan ah.

Madaxda Dalka Vietnam ayaa arrintaan ku tilmaamay musiibo u baahan in laga garaabo oo la garab istaago dadka dhibaatadu soo gaartay, Dowladda ayaa ballanqaaday in ay wadayso dedaalka lagu raadiyo Dadkaas la waayay.

Digniin ayay Dhowaan Dowladda Vietnam soosaartay kaddib markii Hay’adda u qaabilsan kahortagga halista duufaannada ay heshay macluumaad muujinaya musiibo halisteeda wadata oo ku wajahan Dalkaas loona baahan yahay in laga hortago.

Vietnam waa Dal dhaca Koofur Bari Qaaradda Afrika, Dadkiisu waa 98.19 Milyan oo ruux sida lagu sheegay diiwaanka Bangiga Adduunka uu ku sameeyay sanadkii 2022, Dadka ku nool Dalkaan oo intooda badan ah xirfadlayaal ayaa quunyar socod ka ah Siyaasadda.