Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay dhigiisa Afwerki (

0
39

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay dhigiisa Afwerki

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.