Turkiga oo qabtay xubin ka tirsanaa Sirdoonka Israel

0
35

Turkiga oo qabtay xubin ka tirsanaa Sirdoonka Israel

Sirdoonka Turkiga ee MIT ayaa qabtay nin lagu magacaabo Liridon Rexhepi oo u dhashay Kosovo

Ninkan ayaa loo aqoonsaday in uu ahaa madaxa Isku xirka dhaqaale siinta Basaasiinta MOSSAD ee ku sugan gudaha Turkiga.

Dabagal lagu sameeyey, ka dib ciidanka Booliska ee Istanbul ayaa xiray, waxaana la aruuriyey dhammaan macluumaadkiisa

Jaajuusiinta uu lacagta siiyay iyo sawiro iyo xog ay MOSSAD u gudbiyeen bartilmaameedyo kale duwan ayaa loo diray gudaha Turkiga iyo dibadiisa.

Netanyahu maamulkiisa ayaa maalmo kahor sheegay inay dili doonaan madaxda kooxda wax iska caabinta reer Falastiin ee ku sugan gudaha Turkiga.